Barcelona iyo Juventus oo qorsheynaya inay sameeyaan heshiis weyn oo ay isku dhaafsanayaan labo xiddig muhiim ah

(Yurub) 29 Maarso 2021. Wargeysyada Talyaaniga ayaa sheegaya in laga yaabo in kooxaha Juventus iyo Barcelona ay wada galaan wadahadalo ay ku sameeynayaan heshiis cusub ay isku dhaafsanayaan xiddigo ku kala sugan garoomada Camp Nou iyo Allianz.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Tuttosport” xiddiga kooxda Juventus ee Paulo Dybala ayaan cusbooneysiin doonin qandaraaska uu kula joogo Bianconeri, kaasoo dhacaya xagaaga 2022.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan, in kooxaha Juventus iyo Barcelona ay sameyn karaan heshiis is dhaafsi ah, iyadoo Paulo Dybala uu u dhaqaaqi doono Barca, halka taasi badelkeeda Ousmane Dembélé uu ku biirayo Bianconeri.

Si kastaba ha ahaato, Mustaqbalka xiddiga reer Argentina ee Paulo Dybala ayaa wali mugdi ku jira sii joogitaankiisa ama ka tagistiisa kooxda reer Talyaani ee Juventus , xilli wadahadaladii u dhaxeeyay isaga iyo maamulka marwada duqda ah uu hakad galay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close