Maaliyadda koowaad ee ay ku ciyaari doonto Kooxda Manchester United xilli ciyaareedka dambe oo si qarsoodi ah loo helay… + SAWIRRO

(Manchester) 28 Maarso 2021. Maaliyadda koowaad oo ay ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka dambe ee 21-22 ayaa si qarsoodi ah loo helay.

Maaliyaddaan ayaa ka sameysan midabka cashaanka iyo caddaanka oo aan ku badnayn, wax nashaqad ahna malahan, iyadoo taageerayaasha Kooxda Man United ay ku kala qeybsameen sida maaliyadda uga soo muuqanayso Shirkadda ay kooxdu xayaysiin doonto laga bilaabo xilli ciyaareedka soo socda ee TeamViewer.

Sawirrada maaliyadda cusub ee Red Devils ay ku ciyaari doonto marka ay garoonkeeda ku sugan tahay xilli ciyaareedka dambe ayaa waxaa shaacisay footyheadlines.

Waxa ay u muuqataa sida in Adidas ay minguurinayso habka ay Nike xilli ciyaareedkan bilowday oo ah in astaanka kooxda, magaceeda iyo magaca shirkadaha xayeysiinta kooxuhu u sameynayaan ay u soo guurisay oo ay ku dhajisay bartamaha dhexe ee shafka Maaliyadda.

Man Utd's kit for next season has reportedly been leaked online

Maaliyadda Koowaad ee xulka England iyo Maaliyadda Jaallaha ah ee Tottenham ayay horay Nike ugu sameysay xilli ciyaareedkan qaabka ay hadda Adidas ugu naqshadeyn doonto maaliyadda Man United xilli ciyaareedka dambe.

TeamViewer ayaa bixin doonta 47 milyan oo gini sanadkii si ay uga soo muuqato maaliyadda Man United, isla markaana waxa ay bedeli doontaa Shikaradda haatan shafka kaga dheggan maaliyadda Man Utd ee Chevrolet, laga bilaabo xilli ciyaareedka soo socda.

The Red Devils' shirts will be sponsored by technology form TeamViewer next season

Maaliyaddan cusub ee Kooxda Manchester United ay ku ciyaari doonto marka ay ku sugan tahay garoonkeeda ee fasal ciyaareedka dambe 2021-22 ayaa si rasmi ah loo sii dayn doonaa bisha July ee 2021.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close