“Messi waa inuu ka fikiraa tiisa oo kaliya!” – Xiddig ka tirsan Barcelona

(Barcelona) 23 Maarso 2021. Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaanan wali go’aan ka gaarin mustaqbalkiisa Barca xilli qandaraaskiisu uu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Hase ahaatee, xiddiga difaaca dhexe kaga ciyaara Barcelona ee Oscar Mingueza ayaa Messi u sheegay inuu danihiisa ka fikiro marka la joogo go’aan ka qaadashada mustaqbalkiisa.

“Qofna ma dhaliili karo waxa uu Messi na siiyay” ayuu Mingueza hadalkiisa ku bilaabay isagoo la hadlayay El Larguero.

“Waa inuu isaga tiisa ka fikiraa, cid kale maya” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Oscar Mingueza says he came close to leaving Barcelona - Barca Blaugranes

Da’yarkan difaaca dhexe ka ciyaara ayaa sidoo kale mustaqbalkiisa ka hadlay maadaama heshiiskiisu uu dhici doono dhammaadka fasalkan, waxaana uu sheegay inuu doonayo sii joogista Barcelona.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close