“Ronaldo iyo Messi aad ayeey u fogaadeen mana sahlana in la gaaro.” – Erling Haaland

(Dortmund) 21 Maarso 2021. Xiddiga reer Norway iyo kooxda Borussia Dortmund Erling Haaland ayaa ka baxay aamusnaanta wuxuuna ka hadlay wararka xanta ah ee ku saabsan mustaqbalkiisa kooxda mudada soo socota.

Weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland ayaa lagu soo warramayaa inuu xagaagan ka tagi karo kooxdiisa, xilli xiiso badan uu ka helayo qaar ka mid ah kooxaha ugu tunka weyn qaaradda Yurub.

Erling Haaland oo ka hadlayay mustaqbalkiisa kooxda Borussia Dortmund ayaa wuxuu yiri:

“Kama walwalayo mustaqbalkeyga, arintan maskaxdayda kuma jirto waqtigan, wali qandaraaska aan kula jiro Borussia Dortmund waxaa ka harsan mudo 3 sano ah.”

Haaland oo ka hadlayay suurtagalnimada ah in Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi uu kala wareegi doono boqortooyada kubadda cagta ee Yurub wakhtiga soo socda, wuxuuna yiri:

Erling Haaland has a BETTER goalscoring record compared to Lionel Messi and  Cristiano Ronaldo at the same age

“Waxaas oo dhan waa waxa ay qoraan joornaalada iyo saxaafadu, waxaan kaliya diirada saarayaa sida aan ku fiicnaan lahaa maalin kasta.”

“Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi waa ciyaartoyda ugu fiican taariikhda kubadda cagta, aad ayey u fog yihiin mana sahlana in la gaaro.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close