Dele Alli oo internet-ka ka raadinaya jaceyl cusub kaddib markii ay kala tageen saaxiibtiisii hore oo ay shan sano wada socdeen

(London) 22 Maarso 2021. Laacibka kooxda Tottenham Hotspur ee Dele Alli ayaa lagu soo warramayaa inuu xiriir cusub ka raadinayo aaladda internet-ka gaar ahaan app-ka ay isticmaalaan dadka xiriir doonka ah ee Raya kaddib markii ay kala tageen gabadha model-ka ah ee Ruby Mae.

Xiddiga qaranka England ayaa lagu soo warramayaa inuu xaalad liidata oo qalbi ah ku jiray tan iyo markii ay kala hareen saaxiibaddiisii hore oo ay shan sano wada socdeen, waxaana hadda uu go’aansaday inuu aas-aaso xiriir cusub si uu kaga taqalluso nabarradii kasoo gaaray xiriirkii burburay ee uu la lahaa Ruby.

Sawirka dahaarka (cover) ee cinwaankiisa barta Raya waxaa u saaran sawir soo jiidasho leh oo uu ku labisan yahay suut (suit) buluug maar ah iyo garabaati gariijo ah.

Moving on: It is reported that Premier League ace Dele Alli is on the quest for love on the celebrity dating app, Raya, after recently being 'dumped' by his model girlfriend, Ruby Mae

Mid ka mid ah saaxiibbada ugu dhow Alli ayaa jariiradda The Sun u sheegay: “Dele waxa uu wali ka niyad jabsan yahay burburka xiriirkii uu la lahaa Ruby, balse waxa uu fahansan yahay inuu ka fikiro mustaqbalka”.

Split: The Tottenham and England star, 24, was said to be 'gutted' after his girlfriend of five-years, 25, decided to end things, prompting his decision to join the exclusive platform

Si kastaba ha ahaatee, bishii lasoo dhaafay ee February ayay 24-jirkan iyo gabadha model-ka ah kala tageen kaddib muranno gudaha ah oo soo dhex galay awgood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close