“Salah uma dhawaan doono Ramos!” – Roberto Carlos oo ka hadlay kulanka Real Madrid iyo Liverpool

(Yurub) 19 Maarso 2021. Halyeeyga reer Brazil iyo kooxda Real Madrid ee Roberto Carlos ayaa ka hadlay isku aadkii tartanka UEFA Champions League ee maanta oo Jimco ah la sameeyay.

Waxaa duhurnimada maanta oo Jimco ah la sameeyey isku aadka wareegga Siddeeda ee tartanka UEFA Champions League, iyadoo ay ka soo baxeen kulamo waa weyn oo aad u xiiso badan.

Kulammada waa weyn ee la sugayo in lagu daawado wareega Siddeeda ee tartanka UEFA Champions League ayaa waxaa ka mid ah kulanka ay wada ciyaarayaan kooxaha Real Madrid iyo Liverpool.

Kulanka dhex mari doono kooxaha Real Madrid iyo Liverpool ayaa wuxuu dib inoo xusuusin doonaa finalkii xiisaha badnaa 2018 ee ka dhacay magaalada Kyiv ee caasimada ee dalka Ukraine, xilli kulankaas oo ay guusha raacday Los Blancos uu Mohamed Salah dhaawac ka soo gaaray bilowgii ciyaarta garabka, waxaana sabab u ahaa Sergio Ramos.

Haddaba kaddib isku aadka la sameeyey wareegga Siddeeda ee tartanka UEFA Champions League, Roberto Carlos ayaa ka hadlay kulanka dhex mari doono kooxaha Real Madrid iyo Liverpool wuxuuna yiri:

Roberto Carlos: "Salah no va ni a acercarse a Sergio Ramos"

“Alla muxuu yahay kulan aad u xiiso badan oo la sugayo ee dhex mari doono laba kooxood waa weyn, labadoodaba guulo waa weyn ayey ka gaareen Champions League.”

Intaas kaddib Roberto Carlos ayaa isagoo qoslaya wuxuu tilmaamay in Salah uusan u dhawaan doonin Ramos inta ciyaarta ay socoto wuxuuna yiri:

“Waxaan u maleynayaa in Mohamed Salah uusan u dhowaan doonin Sergio Ramos kulanka.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close