Muxuu Stefano Pioli ka yiri kaddib guuldarradii kooxdiisa AC Milan ka soo gaartay Manchester United?

(Milano) 19 Maarso 2021. Tababaraha AC Milan Stefano Pioli ayaa muujiyay niyad jabkiisa kaddib markii kooxdiisii ​​laga reebay koobka horyaalada yurub ee tartanka UEFA Europa League.

Manchester United oo iska xaadirisay wareega siddeeda Europa League kaddib markii ay guul kaga gaartay AC Milan 0-1 kulankii lugta labaad wareega 16-ka, Red Devils ayaa cel-celis ahaa ku soo baxday labada kulan 2-1, maadaama kulankii lugta hore uu ku soo dhamaaday barbardhac 1-1 ah.

Ciyaarta kaddib Tababaraha AC Milan Stefano Pioli ayaa u sheegay warbaahinta:

“Kani waa ka saaritaan runtii niyadjab leh, maxaa yeelay inta lagu guda jiray labada kulan waxaan u ciyaarnay sida koox weyn, waxayna ahayd inaan goolal dhalino qeybta hore.”

“Waa wax laga xumaado, wax badan ayaan qabanay si aan halkan u nimaadno, kooxduna way u qalantay inay horey u sii socoto.”

Tababaraha AC Milan Stefano Pioli oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu intaas ku daray: “Uma maleynayo inaan uqalanay inaan ka harno tartanka.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close