DEG DEG: Isku aadka wareegga Siddeeda ee tartanka UEFA Europa League oo la sameeye … (Qaabkee ayeey kooxaha isugu aadeen?)

(Yurub) 19 Maarso 2021. Waxaa goordhow la sameeyey isku aadka wareegga Siddeeda ee tartanka UEFA UEFA Europa League, iyadoo ay ka soo baxeen kulamo adag oo aad u xiiso badan.

Kooxda Manchester United ayaa ku begantay naadiga reer Spain ee Granada halka kooxda Arsenal ay ku aaday naadiga Slavia Prague.

Dhinaca kale isku aadka dhawaan la sameeyay ayaa waxaa isku aaday kooxaha FC Ajax iyo AS Roma, halka Dinamo Zagreb ay fooda dari doonto kooxda reer Spain ee Villarreal.

Isku aadka wareegga Siddeeda oo dhammaystiran halkaan hoose ka eeg:-

Granada vs Manchester United

Arsenal vs Slavia Prague

FC Ajax vs AS Roma

Dinamo Zagreb vs Villarreal.

Image

Siddee loo ciyaari doonaa Wareega Afar dhamaadka ee tartanka UEFA Europa League?

Granada vs Manchester United kooxda soo baxda ayaa ku dhici doonta tii soo baxdaa FC Ajax vs AS Roma

Arsenal vs Slavia Prague kooxda soo baxda ayaa ku dhici doonta tii soo baxdaa Dinamo Zagreb vs Villarreal.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close