Joan Laporta oo carrabka ku dhuftay qorshaha kaga diyaarsan Lionel Messi iyo Ronald Koeman

(Barcelona) 18 Maarso 2021. Madaxweynaha cusub ee Barcelona, Joan Laporta ayaa si cad u qeexay qorshaha kaga diyaarsan xukunka Ronald Koeman iyo inuu Lionel Messi sii joogo kooxda.

Waxaa xalay Camp Nou ka dhacday xafladda caleemo saarka ee madaxweynaha Barca, kaasoo ka hadlay shaqooyinka hor yaalla maadaama uu si toos ah ula wareegay xafiiska looga taliyo qaybaha kala duwan ee naadiga reer Spain.

Laporta ayaa si cad u qeexay jaceylka uu u haayo Leo iyo inuu awooddiisa isugu geyn doono sidii uu xiddigan baaqi kaga sii dhigi lahaa Camp Nou.

“Waxaan isku dayi doonaa inaan Messi ku qancinno inuu kooxda sii joogo” ayuu Laporta ku yiri khudbadiisii xafladda caleemo saarka oo ay kasoo qayb galeen Messi iyo dhammaan xiddigaha Blaugrana.

“Waan ka xumahay Leo… Waxaan sameyn doonaa dadaalkeyga ugu badan, isagana waa uu ogyahay! waxaan u soconnaa inaan si dhab ah ugu dhaadhicino Messi inuu kooxda sii joogo, sababtoo ah isagu waa kan ugu fiican taariikhda kubadda cagta.

“Waan ka xumahay, balse waan ku jeclahay, sidoo kale Barcelona waa ay ku jeceshahay, haddii uu garoonka buuxi lahaa ma aadan rabi lahayn inaad tagto” ayuu yiri Madaxweyne Laporta.

Qandaraaska kabtanka Barcelona ayaa dhici doona dhammaadka xilli ciyaareedkan, waxaana wali la sugayaa inuu 33-sano jirkan go’aan ka qaato mustaqbalkiisa.

58-jirka madaxweynaha u ah Barca ayaa sidoo kale tibaaxay in hadafka koowaad ee kooxda uu yahay dib usoo kabidda dhaqaalihii naadiga oo burbur xooggan wajahay.

Dhanka kale Laporta ayaa si toos ah ula hadlay macallinka naadiga ee Ronald Koeman, waxaana uu guud ahaan meesha ka saaray mugdigii ku jiray mustaqbalka shaqada tababaraha reer Netherlands.

Laporta Left it clear: Koeman has the confidence of the directive

“Ronald, waxaad heysataa kalsoonideenna, waxaan rabnaa inaan mar kale taariikh u sameynno Champions League, balse fasalkan waxaan dooneynaa hanashada horyaalka iyo Copa del Rey” ayuu yiri sharci-yaqaanka reer Spain ahna madaxweynaha Barcelona.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close