Zidane oo si RASMI ah u shaaciyey liiska 19-ka ciyaaryahan ee Real Madrid uu kala qeyb galayo kulanka Atalanta ee Champions League

(Madrid) 15 Maarso 2021. Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa shaaciyay liiska 19-ka ciyaartoy ee uu ku shaqayn doono kulanka Atalanta ee lugta labaad wareega 16-ka tartanka UEFA Champions League.

Zinedine Zidane liiska uu magacaabay xiddigihiisa Real Madrid kulanka ay bari soo dhaweyn doonaan kooxda Elche waxaa hoggaaminaya kabtanka kooxda ee Sergio Ramos, iyo Karim Benzema,.

Laakiin taasi badelkeeda waxaa Liiskan uu ku dhawaaqay tababare Zidane ka maqan xiddigaha kala ah, Eden Hazard, Casemiro iyo Dani Carvajal, balse Zidane ayaa heli kar dhamaan adeegyada xiddigahiisa kale.

Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha kooxda Real Madrid ay kala qeyb galayso kulanka Atalanta ee lugta labaad wareega 16-ka tartanka UEFA Champions League:

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close