Pele oo farriin u diray Cristiano Ronaldo kaddib markii xiddiga Juventus uu jabiyey rikoorka gooldhalineed ee halyeyga reer Brazil

(Turin) 15 Maarso 2021.Cristiano Ronaldo ayaa xalay saddexleey dhaliyey kulankii ay Juventus guusha ka gaartay Cagliari, Pele ayaana Weeraryahankan reer Portugal ugu hambalyeeyay rikoorkiisa gooldhalineed ee uu jabiyey.

Juventus ayaa 3-1 ku garaacday Cagliari, iyadoo Ronaldo uu saddexleey ku dhaliyey 22 daqiiqo gudahood.

Pele kaasoo sheegta inuu dhaliyey in ka badan 1000 gool ayaa farriin hambalyo ah u diray Ronaldo oo garaacay rikoorkiisa goolasha guud ee rasmiga ah.

36-sano jirkan ayaa dhaliyey 770 gool intii uu ku guda jiray xirfaddiisa ciyaareed, waxaana uu saddex gool ka sarreeyaa halyeyga reer Brazil.

Pele ayaa baraha bulshada hambalyo kula wadaagay xiddiga shanta goor ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or.

Waxa uu Pele barta Instagram-ka ku yiri: “Cristiano, noloshu waa duulimaad aad kaligaa wadatid, qof walba isaga ayaa sameysata safarkiisa, alla adiguna maxaad safar qurux badan qaadanaysaa!”

“Hambalyo maadaama aad jabisay rikoorkeyga goolasha rasmiga ah, waxa kaliga aan ka shallaynayo waxa ay tahay inaan maanta laabta ku gelin karin.

“Laakiin waxaan kugu sharfayaa sawirkaan oo uu la socdo Jaceyl ballaaran, isagoo ah astaan saxiibtinnimo oo soo jirtay sanado badan.”

 

View this post on Instagram

 

A post shared by Pelé (@pele)

Ronaldo ayaa dhaleeceyn la kulmayey maalmihii la soo dhaafay kaddib markii kooxdiisa Juventus laga soo reebay tartanka Champions League, iyagoo ku baxay gacmaha FC Porto, waxaana ay haatan u muuqataa in CR7  uu saddexleeydaan isaga jeediyey indhaha Saxaafadda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close