Muxuu ka yiri Xavi Hernández guusha Joan Laporta ee doorashadii madaxtinimada Barcelona?

(Barcelona) 15 Maarso 2021. Halyeeyga reer Spain iyo kooxda Barcelona ee ​​Xavi Hernández ayaa ka baxay aamusnaanta wuxuuna ka hadlay guusha Joan Laporta ee doorashadii madaxtinimada Barca.

Xavi Hernández ayaa ammaanay madaxweynaha cusub ee Joan Laporta, isagoo tilmaamay inuu xallin karo dhamaan dhibaatooyinka heysta kooxda reer Catalonia, halka isla waqtigaas uu sheegay inuu yahay madaxweynihii ugu fiicnaa ee uu ku bartay kursiga kooxda.

Haddaba sida uu shaaca ka qaaday wargeyska “Mundo Deportivo”  ee dalka Spain, Xavi Hernández ayaa sheegay:

“Joan Laporta waa saaxiib wanaagsan oo aan si fiican u aqaano.”

“Wuxuu sameyn doonaa wax walba uu awoodo ee faa’iido u ah Barcelona, runtii waa qof fiican.”

“Laporta waa madaxweynihii ugu fiicnaa waqtigiisii ​​Barcelona, ​​kooxdana waxay ku fiicnaan doontaa dhanka dhaqaalaha iyo isboortiga.”

“Juan wuxuu awood u leeyahay inuu xaliyo dhamaan dhibaatooyinka ay kooxda qabto.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close