Macallin Mikel Arteta oo xaqiijiyey sababtii rasmiga ahayd ee uu u ciyaarsiin waayey Pierre-Emerick Aubameyang kulankii xalay ee North London Derby

(London) 15 Maarso 2021. Macallin Mikel Arteta ayaa xaqiijiyey in Weeraryahankiisa Pierre-Emerick Aubameyang uu safkiisa uga saaray kulankii xalay ee North London Derby sababo anshax marin ah.

Kabtanka Arsenal ee Aubameyang ayaa taam ahaansho buuxda qabay oo uu ugu ciyaari karay xalay Kooxdiisa, laakiin Tababare Arteta ayaa ka saaray safka hore oo ugu dhammaeeyey kursiga keydka kulankii North London Derby oo ay guusha ka heleen kooxda ay isku magaalada ka dhisan yihiin.

Mikel Arteta waxa uu xaqiijiyey in Pierre-Emerick Aubameyang uu uga saaray safka hore ee Arsenal garoonka ugu bilowday kulankii ay wajaheen Tottenham sababo la xiriira anshax marin.

Kabtanka Gunners ayaan ka mid ahayn saddex bedel oo uu isticmaalay macallin Arteta kulankii North London Derby, weeraryahankan ayaana ku dhammaystay xalay kursiga keydka.

Alexandre Lacazette ayaa isaga la hormariyey dhanka weerarka, halka Willian iyo Hector Bellerin ay yihiin eedeysanayaasha kale ee Arteta ciyaartii Athens ka dhacay Khamiistii, kuwaasoo dhankooda aan lagu soo bilaabin safka hore ee kulankii xalay.

Arteta ayuu u sheegay Sky Sports: “Waa uu ku soo bilaaban rabay kulanka, hase ahaatee waxaana jiray arrimo anshax marin ah, waan ka saarnay safka koowaad, waan sii ciyaarnay isaguna waxa uu ku jiray kursiga keydka.”

Pierre-Emerick Aubameyang has been dropped due to disciplinary reasons

Intii uu ka hadlayay Arteta arrimaha la xiriira Aubameyang, waxa uu hadalkiisa ku daray: “Sida iska cad waa arrin aan gudaha ku xallin doonno, waxaan ku guda jirnaa habkii aan ku tixgelin lahayn ciyaar walba.

“Wuxuu ahaa go’aan aan qaaddanay markii aan qiimeynay wax walba, cidda uu Auba yahay iyo waxa uu sameeyey waana intaas oo kaliya” ayuu hadalkiisa ku daray Arteta.

Dhanka kale mar la weydiiyey macallinka Arsenal ee Arteta haddii ay dhabarjab dareemeen maqnaashiyaha Auba awgeeda waxa uu sheegay inay haysteen ciyaartoy kale oo si fiican u ciyaaray, kooxdana ka dhigay mid xasilloon.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close