Hayeyga Kooxda Real Madrid ee Iker Casillas oo xaqiijiyey inay kala tageen Xaaskiisa Sara Carbonero

(Madrid) 13 Maarso 2021. Halyeyga Kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Iker Casillas ayaa xaqiijiyey inay kala tageen xaaskiisa Sara Carbonero kaliya saddex maalmood kaddib markii ay beeniyeen warar soo baxay oo sheegaya inay kala tageen.

Goolhayahan ka fariistay kubadda cagta iyo gabadha Model-ka & Barnaamij soo jeediyaha ah ee Sara Carbonero ayaa qiray in Jaceylkoodii uu labo jabo jiho kala qaaday, laakiin waxa ay sheegeen inay sii joogteyn doonaan isku soo dhowaanshahooda, si ay wadajir ugu gutaan waajibaadka korriimada carruurtooda.

Xiddigahan lammaanaha ahaa ayaa isku dhunkaday intii laguda jiray shirkii jaraa’id ee kaddib ciyaartii xulka Spain uu ku hantay Koobka Adduunka 2010, waxaana ay iska soo kaashadeen xaalado caafimaad oo halis ah intii lagu guda jiray shantii sano ee ay wada noolaayeen.

La ruptura y separación de Iker Casillas y Sara Carbonero

Laacibkii hore ee hore ee qaranka Spain Iker, kaasoo kubadda cagta kaga farriisatay Wadno xanuun soo wajahay ayaa si dareen leh bartiisa Instagram-ka ugu sheegay isagoo adeegsanayey luqadda Spanish-ka: “Aniga iyo Sara waxaynu ku faanaynaa qoyska aan nahay iyo inaan wadaagnay jaceyl ay ka buuxeen farxado sanooyinkii aan wadajirnay.

“Maanta Jaceylkeennu wuu kala tagay, balse maahan masaafo fog, haddaba waxaan u wadajiri doonnaa si aan u gudanno waajibkeenna waalidnimo si la mid ah sidii hore.

“Waa go’aan aan si fiican uga taxaddarnay, kaasoo aan ku qaadannay heshiis is-faham ah.” ayuu yiri Kabtankii hore ee Kooxda Real Madrid.

39-sano jirkaan ayaa Aabbe u ah Martin oo todobo jir ah iyo Lucas oo afar jir ah, waxaana dhanka kale Sara ay sheegtay in xushamada, Jaceylka iyo saaxiibtinnimada ay baaqi sii ahaan doonaan ebid.

Illaa iyo hadda si rasmi ah uma cadda sababta dhabta ah oo ay u kala tageen labadaan lammaane oo xaqiijiyey inay labo jiho kala qaadeen.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close