Paul Scholes oo dhaleeceeyay xiddig ka tirsan Man United kaddib barbardhacii ay la galeen kooxda Milan

(Manchester) 12 Maarso 2021. Paul Scholes ayaa dhaleeceeyay xiddig ka tirsan Man United kaddib barbardhacii ay la galeen kooxda reer Talyaani ee AC Milan.

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Paul Scholes ayaa si kulul u dhaleeceeyay goolhaye Dean Henderson kaddib markii uu sabab u ahaa in Milan ay barbareyso kulankii xalay lugta hore  wareega 16-ka ee UEFA Europa League.

Kooxaha kubadda cagta ee Manchester United iyo AC Milan ayaa isku garbo dhacay ciyaartii xiisaha badneyd ee ka dhacday garoonka Old Trafford. Kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 1-1 ah.

Wargeyska “The Sun” ee dalka England ayaa shaaca ka qaaday hadalada Paul Scholes mar uu ka hadlayay kulankan, wuxuuna dhaleeceen u jeediyay Dean Henderson, isagoo yiri:

“Henderson waxay aheyd inuu wax ka qabtaa kulankaas, wuxuu isku dayayaa inuu ka dhigo mid ka adag sidii la rabay.”

Scholes picks out two 'comical' players in Man Utd loss - Football365.com

“Marka ugu horeysa, waa inaad kubadda ka fogeysaa shabaqa, waxay aheyd inuu badbaadiyo kubaddaas, shaki kuma jiro taas, wuuna ogaan doonaa taas.”

Wargeyska ayaa wuxuu sidoo kale shaaca ka qaaday hadalada Owen Hargreaves kaddib markii uu isagana ka hadlay qaladkii uu sameeyay Dean Henderson, wuxuuna yiri:

“Waa nin dhalinyaro ah, kalsooni badan qaba, wuxuu ogaan doonaa in kubaddan ay aheyd in wax laga qabto.”

“Haddii uusan arkin markaas, ama qof hortiisa taagnaa, waxaas oo dhami waxay ka mid ahaayeen barashada, Dean Henderson wuxuu sameeyay qalad.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close