Iska ilow Real Madrid, David Alaba oo heshiis la gaaray kooxdiisa xigta

(Munich) 10 Maarso 2021. Kaddib markii uu dhawaan shaaciyay inuu isaga tagayo Bayern Munich dhammaadka xilli ciyaareedkan, David Alaba ayaa soo jeediyay dareenka kooxaha qaaradda Yurub.

Real Madrid ayaa si aad ah loola xiriirinayay laacibkan, balse waxay hadda u muuqataa in lagu garaaci rabo saxiixa daafacan.

Wararka ka imaanaya dalka Spain ayaa sheegaya in kooxda kubadda cagta ee Barcelona ay ku guuleysatay inay heshiis afka ah la gaarto xiddiga Bayern.

Wargeyska Mundo Deportivo ayaa baahiyay in madaxweynaha cusub ee Barca uu la kulmay wakiilka Alaba, waxaana Joan Laporta iyo Pini Zahavi ay isla meel dhigeen heshiis hor dhac ah oo uu xiddigan ku imaanayo Camp Nou suuqa xagaaga ee nagu soo fool leh.

Blaugrana ayaa rajeyneysa inay dib u dhis xooggan ku sameyso safkeeda sida uu balan qaaday madaxweynaha dhowaan la doortay, waxaana shaqadiisa ugu horreysa uu ka dhigayaa inuu sameeyo saxiixyo dhaxal gal ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close