Tababare Thomas Tuchel oo ku farxay bandhiggii Kai Havertz ee kulankii ay guusha ka gaareen Everton

(London) 09 Maarso 2021. Tababaraha Kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa farxad ka muujiyey bandhiggii Kai Havertz uu sameeyey kulankii ay xalay guusha ka gaareen Everton ee horyaalka Premier League.

Tababaraha kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa si weyn u ammaanay Kai Havertz kaddib markii uu xiddiga reer Germany u soo jeestay isla markaana uu qeybta ugu badan ku lahaa ciyaartii xalay ay 2-0 kaga badiyeen kooxda Everton.

Havertz ayaa saxiixiisa lagu qarash-gareeyey lacago badan oo uu ugu soo dhaqaaqay kooxda ka dhisan horyaalka Premier League bilowgii xilli ciyaareedkan, isagoo sanadihii ugu dambeeyay wacdaro ka dhigay kooxda Bayer Leverkusen iyo horyaalka Bundesliga.

Si kastaba ha noqotee, kaddib bilow adag oo uu ku bilaabay xirfaddiisa garoonka Stamford Bridge, 21-sano jirkaan ayay ku adkaatay inuu wacdaro dhigo bilihii la soo dhaafay, iyadoo ay jirtay saameynta Korona Fayras.

Havertz ayaa ku lug lahaa labadii gool ee ay xalay ku adkaatay Chelsea, kuwaasoo u sahlay inay salka dhigtaan afarta sare ee horyaalka Premier League, maxaa yeelay shuut uu tuuray Everton ayaa iska dhaliyey, halka rigoorada dambena isaga lagu galay.

Tababare Tuchel ayaana Havertz ku ammaanay dadaalkiisa waxaana uu yiri: “Aad baan ugu farraxsanahay bandhiggiisa.

Isagoo ku guda jiray shirkiisa jaraa’id ee kulanka kaddib Macallinkii hore ee kooxda Paris Saint-Germain ayaa warbaahinta u sheegay: “Wax shaki ah lama gelin karo tayadiisa, tayadiisa iyo dabeecaddiisa.

“Wuxuu u baahan yahay inuu la qabsado horyaalka Premier League iyo kooxda qaabka ay u ciyaareyso si aan u guuleysanno kulan kasta, isla markaana oo aan u helno heerka ugu sarreeya.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close