RASMI: Joan Laporta oo ku guuleystay xilka Madaxtinnimo ee Kooxda Barcelona… (Waa markii labaad oo loo caleemo saaro xilkaan)

(Barcelona) 08 Maarso 2021. Waxaa lagu dhawaaqay natiijada ka soo baxday doorashadii Barcelona, waxaana la shaaciyey in Joan Laporta uu ku guuleystay markiisii labaad xillka Madaxweynaha cusub ee Kooxda Barca.

58-sano jirkaan Laporta ayaa markiisii labaad waxa uu la wareegi doonaan maamulka garoonka Camp Nou, waxaana uu rajaynayaa inuu ku soo celiyo kooxda guulihii uu gaarsiiyey intii u dhexeysay sanadihii 2003 iyo 2010.

Waxa uu ku dhashay Joan Laporta Magaalada Barcelona, waxaana codadkii la dhiibtay uu helay 30,184 cod oo u dhiganta 57.6% intii codeysay, iyadoo ay codeynta ka qeyb qaateen dhammaan xubnaha Barcelona iyo weliba taageerayaasha kooxda u diiwaangashan ee loo yaqaano ‘socios’, taasoo ka dhigan in Laporta uu cod aqlabiyad ah ku guuleystay.

Labadii nin ee la tartamayay Laporta ee kala ah Victor Font iyo Toni Freixa ayaa kala helay 16,467 cod (31.8%) iyo 4,769 cod oo u dhiganta 9.1%).

Si kastaba ha noqotee, markii ugu horeysay ee uu Laporta madaxweyne ka noqday Barcelona wuxuu kooxda u keenay toddobo koob oo waa weyn, isagoo sidoo kale markaas ku soo aaday waqtigii uu Messi ka soo baxayay kuliyadda naadiga ee uu wacdaraha u dhigayay kooxda koowaad ee Barca.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close