PSG oo heshay war farxad leh kahor kulanka Champions League ay ku soo dhaweynayaan Barcelona garoonka Parc des Princes

(Paris) 08 Maarso 2021. Warbaahinta Faransiiska ayaa warbixin muhiim ah shaacisay maanta oo Isniin ah arimo ku saabsan xaallada jireed ee xiddiga reer Brazil iyo kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar Jr.

Wargayska reer France ee “L’Equipe” ayaa rajo weyn galiyay jamaahiirta Paris Saint-Germain, taasoo ku saabsan in laacibka reer Brazil ee Neymar Jr lagu arki karo shaxda PSG kulanka Barcelona ee la wada sugayo.

Neymar Picks Ridiculously Unbalanced 5-a-Side Team With Zero Defenders | 90min

Wargeyska reer France ayaa sheegay in Neymar uu sii wado howgalka uu kaga soo kabanayo dhaawaciisa, waxaana macquul ah inuu qeyb ka noqdo tababarka buuxa ee kooxda PSG maanta ilaa iyo bari, sidaas darteed wuxuu fursad u heli doonaa inuu ugu yaraan liiska ku jiro, kulanka bari.”

Dareenka jamaahiirta kubbada cagta Yurub meelkasta oo ay joogaan waxay ku sii jeedaan garoonka Parc des Princes, kulanka habeenka Arbacada ay ku wada ciyaari doonaan lugta labaad wareega 16-ka ee UEFA Champions League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close