Manchester United oo isku dayaysa inay la soo saxiixato xiddig ka tirsan Kooxda Juventus

(Manchester) 08 Maarso 2021. Sida wararku ay tilmaamayaan Manchester United ayaa isku dayaysa inay la soo saxiixato daafac ka tirsan Kooxda kubadda cagta Juventus.

Shabakadda ciyaaraha TodoFichajes ayaa warinaysa in tababaraha Man United ee Ole Gunner Solskjaer uu qarka u saaran yahay inuu la soo wareego xiddiga sare ee Juventus, Maathijs de Ligt.

Manchester United ayaa isku dayaysa inay Kooxda Juventus kala soo saxiixato daafaceeda Maathijs de Ligt, sida ay ku waramayso TodoFichajes.

Iyadoo Kooxda Juventus ay haysato dhibaatooyin dhaqaale, Haddana Man United ayaa amaah ugu dhaqaaqi karta saxiixa Maathijs de Ligt xagaaga, waxaana markaas waajib ku ah kooxda tababare Ole inay wada iibsadaan daafacan sanadka 2022-ka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close