Chelsea oo garoonkeeda Stamford Bridge guul muhiim ah kaga gaartay kooxda Everton… +SAWIRRO

(London) 08 Maarso 2021. Chelsea ayaa garoonkeeda Stamford Bridge guul muhiim ah kaga gaartay kooxda Everton, kaddib markii ay kaga adkatay 2-0, ciyaar qeyb ka aheyd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda kubadda cagta Chelsea.

Daqiiqadii 31-aad kooxda Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu gool iska dhaliyay xiddiga naadiga Everton ee Ben Godfrey, ciyaarta ayaa sidaas ku noqotay 1-0 ay ku hoggaamineysay Blues.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

65 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Chelsea ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta, kaddib markii rigoore loo dhigay uu gool u badelay xiddigooda khadka dhexe ee Jorginho, ciyaarta ayaa sidaas ku noqotay 2-0.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 ay kag adkaatay Chelsea kooxda Everton oo ku soo booqatay garoonka Stamford Bridge, Blues ayaa hadda fadhisa booska 4-aad ee kala sareynta horyaalka, kaddib markii ay uruursatay 50 dhibcood.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close