Kooxaha Liverpool, Manchester United, AC Milan, Real Madrid & Guud ahaan kulammada maanta iyo caawa laga ciyaari doono SHANTA horyaal ee ugu waa weyn Yurub

(Yurub) 07 Maarso 2021. Kulamo ka tirsan shanta horyaal ee ugu waa weyn qaaradda Yurub ayaa maanta iyo caawa la ciyaari doonaa, waxaana ay kala yihiin, Premier League, La Liga, Serie A, iyo Bundesliga dalka Jarmalka, xilli wax kulan ah aan maanta ka jirin horyaalka Ligue 1 dalka France.

Kulammada darbiga ee magaalooyinka Manchester iyo Madrid ayaa il gaar ah lagu hayaa, xilli Milan ay raadineyso inay waddada guulaha kuusoo laabato iyadoo marti u noqoneysa Hellas Verona.

Liverpool ayaa gurigeeda kusoo dhoweyn doonta naadiga Fulham xilli Tottenham Hotspur ay iyadu marti sooreyso Crystal Palace, balse kulanka ugu weyn horyaalka Ingiriiska waa ciyaarta Manchester City ay soo dhoweyneyso Manchester United.

Horyaalka dalka Jarmalka ee Bundesliga ayaa laba kulan laga ciyaari doonaa xilli kooxihii ugu waaweynaa ay ciyaareen shalay illaa xalay.

Serie A ayaa isaguna lagu ciyaari doonaa kulammo dhowr ah, waxaana ka mid ah kulanka Roma ay la balnsan tahay Genoa, halka Milan ay marti u noqoneyso Hellas Verona.

Kulanka ugu weyn La Liga waa darbiga Madrid oo ay Atletico Madrid ku marti qaadeyso Real Madrid.

ENGLAND – PREMIER LEAGUE

03: 00 Galabnimo: West Bromwich Albion vs Newcastle United

05: 00 Galabnimo: Liverpool vs Fulham

07: 30 Habeennimo: Manchester United vs Manchester City

10: 15 Habeennimo: Tottenham Hotspur vs Crystal Palace

SPAIN – LALIGA SANTANDER

04:00 Galabnimo: Heusca vs Celta Vigo

06:15 Maqribnimo: Atletico Madrid vs Real Madrid

08:30 Habeennimo: Real Sociedad vs Levante

11:00 Habeennimo: Athletic Club vs Granada

ITALY – SERIE A

02:30 Duhurnimo: Roma vs Genoa

05:00 Galabnimo: Crotone vs Torino

05:00 Galabnimo: Fiorentina vs Parma

05:00 Galabnimo: Hellas Verona vs AC Milan

08:00 Habeennimo: Sampdoria vs Cagliari

10:45 Habeennimo: Napoli vs Bologna

GERMANY – BUNDESLIGA

05:30 Galabnimo: FC Koln vs Werder Bremen

08:00 Habeennimo: Arminia Bielefeld vs Union Berlin

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close