Kooxaha Burnley iyo Arsenal oo barbardhac ku kala baxay… +SAWIRRO

(Burnley) 06 Maarso 2021. Kooxaha Burnley iyo Arsenal ayaa barbardhac 1-1 ah ku kala baxay, kaddib kulan aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Turf Moor, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood ku kala nasteen Burnley iyo Arsenal barbardhac 1-1 ah.

Daqiiqadii 6-aad Arsenal ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Pierre-Emerick Aubameyang, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Willian.

Laakiin 39 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Burnley ayaa dhalisay goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay xiddigooda Chris Wood.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbardhac 1-1 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Burnley iyo Arsenal, kaddib kulan aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Turf Moor.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close