Barcelona oo guul ay u qalantay kaga soo gaartay kooxda Osasuna Estadio El Sadar… +SAWIRRO

(Osasuna) 07 Maarso 2021. Barcelona ayaa guul ay u qalantay kaga soo gaartay kooxda Osasuna oo ay ku booqatay Estadio El Sadar, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-2, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona.

Daqiiqadii 30-aad Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu ka dhigay 0-1 xiddigooda Jordi Alba oo caawin ka helay saaxiibkiis Lionel Messi.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

83 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Barcelona ayaa la timid goolkeeda labaad ciyaarta waxaana 0-2 ka dhigay Ilaix Moriba, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay Lionel Messi.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 0-2 oo ay Barcelona kaga soo adkaatay kooxda Osasuna oo ay ku booqatay Estadio El Sadar. Barca ayaa haatan ku jirta booska labaad ee kala sareynta horyaalka La Liga, kaddib  markii ay uruursatay 56 dhibcood, waxayna 2 dhibcood oo kaliya u jitaa Atletico Madrid kahor kulanka bari ee Madrid derby.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close