“Mane wuxuu iska ilaalinayaa rigoorayaasha sababa la xiriira Mohamed Salah.” – Owen

(Liverpool) 05 Maarso 2021. Xiddigii hore kooxda Liverpool ee Michael Owen ayaa shaaca ka qaaday aragtidiisa ku aadan ka fogaanshaha Sadio Mane, inuu ku dhaco xerada ganaaxa kulankii xalay ee Chelsea.

Chelsea ayaa saddexda dhibcood ka soo heshay kooxda Liverpool oo ay ku booqatay garoonka Anfield, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, ciyaar qayb ka aheyd kulamada horyaalka Premier League, xilli Thomas Tuchel uu wali guuldarro la’aan yahay tan iyo markii uu la wareegay shaqada tababarka ee naadiga reer London.

Haddaba Michael Owen ayaa sheegay in Sadio Mane uu ka fogaanayo isku dayga ah in lagu galo rigoore, sababa la xiriira in Mohamed Salah uu goolal ku dhalin doono.

Michael Owen ayaa taabasho fudud loogu sameeyay xerada ganaaxa ee kooxda Chelsea inta lagu guda jiray kulankii xalay ka dhacay garoonka Anfield, laakiin ma doorbidin inuu dhulka isku tuuro, wuxuuna ku dagaalamay kubadda, balse wuu ku guuldarreystay inuu dib u soo ceshado.

Sadio Mane Is Staying On His Feet To 'Stop Mohamed Salah'

Xiddigii hore kooxda Liverpool ee Michael Owen oo ka hadlayay arrintan ayaa wuxuu yiri:

“Ma rumeysan karo in Sadio Mane uusan ku dhicin dhulka kulankaan … Eeg, kuma faraxsani, waxa uu sameeyay.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close