Jürgen Klopp oo ka hadlay dhibaatada Liverpool kaddib guuldarradii ka soo gaartay Chelsea

(Liverpool) 05 Maarso 2021. Tababaraha Liverpool ee Jürgen Klopp ayaa qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay guuldaradii kooxdiisa ka soo gaartay naadiga Chelsea.

Chelsea ayaa saddexda dhibcood ka soo heshay kooxda Liverpool oo ay ku booqatay garoonka Anfield, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, ciyaar qayb ka aheyd kulamada horyaalka Premier League, xilli Thomas Tuchel uu wali guuldarro la’aan yahay tan iyo markii uu la wareegay shaqada tababarka ee naadiga reer London.

Si kastaba ha ahaatee hadalada Jürgen Klopp uu ka sheegay shirka jaraa’id waxaa ka mid ahaa:

“Caawa, wax walba way fiicnaayeen marka laga reebo taabashada ugu dambeysay ee goolka hortiisa.”

“Wuxuu ahaa kulan aad u adag oo xamaasad leh oo labada kooxba ay ka qeyb qaateen, laakiin tayada shaqsiyadeed ee Mason Mount ayaa isbadal sameysay.”

“Qeybtii labaad waxaan helnay boosas ku haboon oo aan goolal ku dhalin karno, midkoodna waxaa sameeyay Sadio Mané mana dhalin.”

“Arinta kuma xirna ku ciyarista garoonka Anfield, laakiin dhibaatada guud ahaan, waqtiyada go’aaminta ah waa inaan wanaajinaa.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close