Chelsea oo saddexda dhibcood ka soo heshay Liverpool oo ay ku booqatay garoonka Anfield… +SAWIRRO

(Liverpool) 05 Maarso 2021. Chelsea ayaa saddexda dhibcood ka soo heshay kooxda Liverpool oo ay ku booqatay garoonka Anfield, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, ciyaar qayb ka aheyd kulamada horyaalka Premier League, xilli Thomas Tuchel uu wali guuldarro la’aan yahay tan iyo markii uu la wareegay shaqada tababarka ee naadiga reer London.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Chelsea.

Daqiiqadii 42-aad kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay Mason Mount, kaddib markii uu caawinta goolkan ka helay saaxiibkiis N’Golo Kante.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 0-1 oo ay Chelsea kaga soo adkaatay kooxda Liverpool oo ay ku booqatay garoonka Anfield, Blues ayaa haatan ku jirta booska 4-aad ee kala sareynta horyaalka, iyadoo leh 47 dhibcood, halka Reds ay u sii dhacday kaalinta 7-aad kaddib markii ay uruursatay 43  dhibcood.

SAWIRRO:

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close