“Waxaan heysanaa Salah.” John Barnes oo si cad uga soo horjeestay wararka Mbappé iyo Haaland la xiriirinaya Liverpool

(Liverpool) 03 Maarso 2021. Halyeeyga Liverpool ee John Barnes ayaa carabka ku adkeeyay in la soo saxiixashada weeraryahano cusub aysan aheyn waxyaabaha mudnaanta u leh kooxda waqtigan, gaar ahaan joogitaanka gooldhaliyaha horyaalka Premier League ee Mohamed Salah, iyo saaxiibadiis Sadio Mane iyo Roberto Firmino.

John Barnes ayaa carabka ku adkeeyay in labada xiddig ee Erling Haaland iyo Kylian Mbappé, aysan xilligan habooneen in lala soo saxiixdo iyaga ama midkood, ilaa iyo inta ay ka joogaan saddexda weerar dabka ah.

Haddaba wargeyska “Metro” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Halyeeyga Liverpool ee John Barnes, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Mbappé iyo Haaland ayaa xalka u ah dhibaatooyinka Liverpool, laakiin waxay ku fiicnaan doonaan Real Madrid ama Bayern Munich, iyo koox kasta ee heerka sare kaga jirta Yurub.”

“Ciyaartoyda weerarka ma ahan mudnaanta koowaad xilligan la joogo ee kooxda Liverpool, sababtoo ah waxay leeyihiin Sadio Mane, Roberto Firmino iyo Mohamed Salah, waana ciyaartoy aad u fiican, kooxdana waxay ka mid tahay kuwa ugu goolasha badan horyaalka, waxayna ciyaartaa kuwad weerar cajaa’ib leh.”

“Si kastaba ha noqotee, marka la eego da da’da seddexda weerar, mustaqbalka fog Liverpool waxay u baahan doontaa inay bedesho, laakiin mustaqbalka dhow ma ahan.”

“Erling Haaland iyo Kylian Mbappé ma ahan ciyaartoy imaan kara kooxda haddii aysan wax iska badalin mid ka mid ah seddexda weeraryahan.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close