Barcelona oo jaratay tikitka finalka Copa del Rey kaddib markii ay soo laabasho cajiib ah ku sameesay garoonka Camp Nou… + SAWIRRO

(Barcelona) 04 Maarso 2021. Kooxda Barcelona ayaa sameesay soo laabasho cajiib ah kulanka lugta labaad wareega afar dhamaadka Copa del Rey, kadib markii ay ku xasuuqeen naadiga Sevilla 3-0, Blugarana ayaa jaratay tikidkeeda kulanka finalka ah ee tartankan.

Qeybta hore ee kulankan ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda kubadda cagta Barcelona.

Daqiiqadii 12-aad kooxda Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay xiddigooda reer France ee Ousmane Dembele.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

90+4 marka ay ciyaarta mareysay Gerard Pique oo caawin ka helay saaxiibkiis Antoine Griezmann ayaa dheesha ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay Barcelona, Blugarana ayaa neefta ku soo noqotay maadaama ay sameysay soo laabasho.

90-kii daqiiqo ee ciyaarta loogu tala galay ayaa waxay ku dhamaatay 2-0, waxaana loo baahday in waqti dheeri ah lagu daro dheesha, maadaama Sevilla ay kulankii lugta hore ee wareega afar dhamaadka ku soo adkaatay 2-0.

Daqiiqadii 95-aad ee waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu daray Barcelona ayaa dhalisay goolkeeda saddexaad dheesha, waxaana 3-0 ka dhigay Martin Braithwaite, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Jordi Alba.

Ugu dambeyntii wadarta guud ee labada lugood ayaa waxay ku soo idlaatay 3-2, maadaama kooxda Sevilla ay ku soo adkaatay kulanka lugta hore 2-0.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close