Ansu Fati oo doortay kooxdiisa riyada ee ka kooban SHAN ciyaartoy… (Miyuu ku jiraa Cristiano Ronaldo?)

(Barcelona) 03 Maarso 2021. Da’ayarka reer Spain iyo kooxda Barcelona ee Ansu Fati, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday saaxiibkiis ugu fiican mudada gaaban uu ku jiray xirfadiisa kubadda cagta ilaa iyo haatan.

Sidoo kale Ansu Fati ayaa u doortay xiddiga Juventus ee Cristiano Ronaldo inuu ka mid noqdo kooxdiisa Real Madrid ee shan geesoodka ah.

Wargeyska “Sport” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Ansu Fati, waxaana uu yiri:

“Eric Garcia (daafaca haatan ee Manchester City) wuxuu ahaa saaxiibkeygii iigu fiicnaa, waan isla soo wada kornay ilaa iyo caruurnimadeenii, xilli kasta waan tartami jirnay, taasina waxay iga caawisay inaan horumar sameeyo.”

“Inaan isaga u gambiyo waxay aheyd arin aad u dhib badan, mar walba waxaa naga dhaxeyn jiray dagaalkan dhuumaalaysiga ah tan iyo caruurnimadeenii, kaddibna waxaan ku biirnay xulka qaranka, taasoo ah wax aan waligeen ku riyoon jirnay.”

Waxaa xusid mudan in Eric Garcia uu ku dhow yahay inuu ku laabto kooxda Barcelona xagaaga soo aadan, markaasoo qandaraaskiisa Manchester City uu dhacayo.

Intaas kaddib da’ayarka reer Spain iyo kooxda Barcelona ee Ansu Fati ayaa wuxuu doortay kooxdiisa riyada ee ka kooban shan ciyaaryahan, wuxuuna yiri:

“Víctor Valdés, Carles Puyol, Xavi ama Andreas Iniesta, Messi iyo Cristiano Ronaldo.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close