Mikel Arteta oo sharaxaad ka bixiyay guushii ay kooxdiisa Arsenal ka gaartay Leicester City

(London) 01 Maarso 2021. Tababaraha reer Spain ee Mikel Arteta ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay guushii ay kooxdiisa Arsenal kaga ka gaartay Leicester City horyaalka Premier League.

Arsenal ayaa guul ay u qalantay kaga soo gaartay Leicester City garoonka King Power, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-3, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Kaddib ciyaarta tababare Mikel Arteta ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay guushii ay kooxdiisa Arsenal ka ka gaartay Leicester City, wuxuuna yiri:

“Ma garanayo hadii uu ahaa kulankeenii ugu fiicnaa ee xilli ciyaareedkan, laakiin aad ayaan ugu faraxsanahay qaab ciyaareedka kooxda.”

”Waxaan maanta ku soo bandhignay shaqsiyad weyn garoonka dhexdiisa, kaddib qaab ciyaareed aad u fiican oo aan ku soo bandhignay kulankii Benfica, taasoo kooxda galisay xaaladdii ugu fiicnayd ee ay ku wajaheen Leicester City tan iyo bilowgii ciyaarta.”

“Waxaan u maleynayaa inaan soo bandhignay waxyaabo aad u wanaagsan oo ka dhan ah koox runtii xoogan oo naga soo horjeeday, waxaan xakameynay ciyaarta, waxayna aheyd guul aan u qalanay.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close