Kooxaha Real Madrid, Everton & Guud ahaan kulammada caawa laga ciyaari doono qaar ka mid ah SHANTA horyaal ee ugu waa weyn Yurub

(Yurub) 01 Maarso 2021. Kulamo ka tirsan shanta horyaal ee ugu waa weyn qaaradda Yurub ayaa caawa la ciyaari doonaa, waxaana ay kala yihiin, horyaalada Premier League iyo La Liga.

Kooxaha Real Madrid, Everton, Real Sociedad, Southampton ayaa ka mid ah kooxaha maanta iyo caawa ciyaari doona horyaalladooda.

Horyaalka Premier League waxaa ugu madax fiiqan kulanka ay wada dheeli doonaa kulanka ay kooxda Everton soo dhaweyn doonto caawa naadiga dhibta badan ee Southampton.

Horyaalka La Ligaha Spain kulanka kaliya ee caawa laga ciyaari doono waa mid ay Kooxda Real Madrid soo dhaweyn doonto garoonkeeda Alfredo Di Stefano naadiga Real Sociedad.

Haddaba halkaan hoose ka eeg Guud ahaan kulammada caawa laga ciyaari doono qaar ka mid ah horyaallada waa weyn ee Yurub & Saacadaha ay soo geli doonaan:-

ENGLAND – PREMIER LEAGUE

23:00 Habeenimo: Everton vs Southampton

SPAIN – LALIGA SANTANDER

23:00 Habeenimo: Real Madrid vs Real Sociedad

FG: Dhammaan saacadaha aan kor ku soo sheegnay waa xilliga geeska Afrika ama saacadda Soomaaliya.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close