Joan Laporta oo u magacaabay tababare reer Spain ah ee badel u noqon kara Ronald Koeman

(Barcelona) 01 Maarso 2021. Wargeysyada gobolka Catalonia ee dalka Spain ayaa waxay maanta oo Isniin ah shaaca ka qaadeen magacyada ugu muhiimsan uu ku fikirayo Joan Laporta, oo ah musharaxa madaxweynaha Barcelona, haddii ay dhacdo in Ronald Koeman uu ka tago shaqada tababarka ee Blaugrana.

Wargeyska “Mundo Deportivo” ayaa soo wariyay in Joan Laporta uu ka fiirsanayo inuu tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta uu u magacaab macalinka Barcelona haddii Ronald Koeman uu ka tago shaqada tababarka ee garoonka Camp Nou.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in Laporta uu aad ugu fiirsanayo horumarka Arteta ee kooxda Gunners, kaddib markii uu xirfadiisa tababarenimo ka bilaabay isagoo caawiye uga ahaa Pep Guardiola naadiga Manchester City.

Mikel Arteta, Barcelona'da Ronald Koeman'ın koltuğuna aday

Tababaraha reer Spain ee Arteta ayaa la wareegay hoggaaminta kooxda Arsenal bishii Diseembar 2019, kaddibna wuxuu saxeexay qandaraas muddo 3 xilli ciyaareed iyo bar ah, kaasoo gaaraya illaa iyo xagaaga 2023.

Si kastaba ha noqotee, Saddex musharax ayaa u tartamaya kursiga madaxweynaha kooxda Barcelona, waana Joan Laporta, Victor Font iyo Toni Freixa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close