“Saxiixa Ronaldo ayaa sabab u ah hoos u dhaca Juventus.” Saxafi reer Talyaani ah

(Turin) 28 Feb 2021. Saxafiga caanka ah reer Talyaani ee Fabio Ravezzani ayaa weeraray maamulka kooxda Juventus kaddib barbarihii niyad jabka lahaa oo ay xalay la galeen naadiga Hellas Verona.

Kooxaha Juventus iyo Hellas Verona ayaa ku kala baxay barbardhac 1-1 ah kulan aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Marcantonio Bentegodi, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulamada toddobaadkan ee horyaalka Serie A.

Inkastoo uu Cristiano Ronaldo xalay dhaliyay goolka kaliya ee kooxdiisa, isla markaana uu yahay gooldhaliyaha ugu sareeya xilli ciyaareedkan horyaalka Talyaaniga, haddana Fabio Ravezzani ayaa wuxuu u arkaa inuu yahay mas’uuliyada qeyb ka mid ah hoos u dhaca ku yimid kooxda, isaga oo carabka ku adkeeyay in ku biirista Juventus aanu lahayn saamayntii laga filayay.

Fabio Ravezzani oo ka hadlayay arrintan ayaa wuxuu yiri:

“Dib u dhaca Juventus waxay u egtahay inay tahay mid nafsaani ah, laakiin waxaa jiray seddex dhaqaaq oo soo dadajiyay hoos u dhacan, howlgalka saxiixa Ronaldo, iyo bixitaankii lama filaanka ahaa ee Giuseppe Marotta.”

Saxafiga caanka ah ayaa intaa ku daray in isbadalka tababaraha uu sidoo kale ka dambeeyay hoos u dhaca ku yimid heerka Juventus, isagoo xusay in Massimiliano Allegri, oo ahaa tababarihii hore ee kooxda uu wali diyaar yahay, isagoo tilmaamay inuu yahay ninka saxda ah ee Juventus ku soo celin kara sideedii hore.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close