Man United, Liverpool, Chelsea, Arsenal, Milan, Inter & Guud ahaan kulammada maanta iyo caawa laga ciyaari doono SHANTA horyaal ee ugu waa weyn Yurub

(Yurub) 28 Feb 2021. Kulamo ka tirsan shanta horyaal ee ugu waa weyn qaaradda Yurub ayaa maanta iyo caawa la ciyaari doonaa, waxaana ay kala yihiin, Premier League, La Liga, Serie A, Bundesliga dalka Jarmalka iyo Ligue 1.

Kooxaha Manchester United, Liverpool, Chelsea, Arsenal, AC Milan, Inter ayaa ka mid ah kooxaha maanta iyo caawa ciyaari doona horyaalladooda.

Horyaalka Premier League waxaa ugu madax fiiqan kulanka ay wada dheeli doonaan kooxaha Chelsea vs Manchester United, & midka ay Leicester City soo dhaweyneyso kooxda Arsenal, sidoo kale Liverpool ayaa booqan doonta Sheffield United.

Horyaalka La Ligaha Spain kulanka ugu weyn caawa waa mid ay Kooxda Villarreal soo dhaweyn doonto Atletico Madrid, halka horyaalka Bundesliga ay Bayer Leverkusen caawa fiidkii ay soo dhaweyn doonto naadiga Freiburg.

Dhinaca kale horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga Kooxda Roma ayaa soo dhaweyn doonta Naadiga AC Milan, halka Inter ay iyadana soo dhweyn doonto kooxda kubadda cagta Genoa.

Haddaba halkaan hoose ka eeg Guud ahaan kulammada maanta iyo caawa laga ciyaari doono horyaallada waa weyn ee Yurub & Saacadaha ay soo geli doonaan:-

ENGLAND – PREMIER LEAGUE

03:00 Galabnimo: Crystal Palace vs Fulham

03:00 Galabnimo: Leicester City vs Arsenal

05:00 Galabnimo: Tottenham Hotspur vs Burnley

07:30 Habeenimo: Chelsea vs Manchester United

10:15 Habeenimo; Sheffield United vs Liverpool

SPAIN – LALIGA SANTANDER

04:00 Galabnimo: Celta Vigo vs Real Valladolid

06:15 Maqribnimo: Cadiz vs Real Betis

08:30 Habeenimo: Granada vs Elche

11:00 Habeenimo: Villarreal vs Atletico Madrid

GERMANY – BUNDESLIGA

03:30 Galabnimo: Union Berlin vs Hoffenheim

05:30 Galabnimo: Mainz 05 vs Augsburg

08:00 Habeenimo: Bayer Leverkusen vs Freiburg

ITALY – SERIE A

02:30 Duhurnimo: Sampdoria vs Atalanta

05:00 Galabnimo: Crotone vs Cagliari

05:00 Galabnimo: Inter vs Genoa

05:00 Galabnimo: Udinese vs Fiorentina

08:00 Habeenimo: SSC Napoli vs Benevento

10:45 Habeenimo: Roma vs AC Milan

FRANCE – LIGUE 1

03:00 Galabnimo: Monaco vs Brest

05:00 Galabnimo: Angers vs Lens

05:00 Galabnimo: Lorient vs Saint-Etienne

05:00 Galabnimo: Nimes vs Nantes

05:00 Galabnimo: Reims vs Montpellier

07:00 Habeenimo: Lille vs Strasbourg

11:00 Habeenimo: Marseille vs Lyon

FG: Dhammaan saacadaha aan kor ku soo sheegnay waa xilliga geeska Afrika ama saacadda Soomaaliya.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close