Horudhac: Leicester City vs Arsenal… (Rikoorrada u gaarka ah kulankan oo u xaglinaya The Foxes)

(Leicester) 28 Feb 2021. Kooxda kubadda cagta ee Leicester City ayaa soo dhoweyneysa galabta naadiga Arsenal kulan ka tirsan horyaalka English Premier League.

Leicester ayaa dareemeysa culeys gaar ah ciyaartan maadaama aysan heli doonin kubbad sameeyahooda muhiimka ah ee James Maddison.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 3:00 Galabnimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: King Power Stadium

Garsooraha: Paul Tierney (England)

Wararka kooxaha:-

Leicester City ayaanan heli doonin laacibka khadka dhexe ka ciyaara ee James Maddison kaasoo dhaawac sinta ah ku seegay ciyaartii ay guuldarrada la kulmeen ee tartanka Europa League.

Kelechi Iheanacho oo kulankaas isaguna ganaax kaga maqnaa ayay dib u heli doontaa kooxda Leicester, balse waxaa ka maqnaan doona Ayoze Perez, Wesley Fofana, Wes Morgan, James Justin iyo Dennis Praet oo dhammaantood dhaawacyo qaba.

Arsenal ayaa qiimeyneysa xaaladda Rob Holding oo ay madaxa jug kasoo gaartay ciyaartii Europa League ka tirsaneyd ee ay la ciyaareen Benfica.

Thomas Partey ayaa la filayaa inuu ciyaartan kusoo bilawdo kaddib soo laabashadiisii oo uu badel kusoo galay ciyaartii lasoo dhaafay.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Fool Ka Fool

Leicester City ayaa guul gaartay saddex ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeysay oo ay labadan koox ku wada kulmeen horyaalka Ingiriiska, waxaana ku jirta guushii 1-0 ahayd ee Emirates kusoo gaartayn bishii October ee sanadkii hore.

Kooxda lagu naaneyso The Foxes (Dawacooyinka) ayaa raadineysa inay markii ugu horreysay garaacdo Gunners labo jeer hal xilli ciyaareed tan iyo fasalkii 1973-74.

Arsenal ayaa guuldarro la kulantay saddexdii jeer ee ugu dambeysay horyaalka oo ay booqatay Leicester, waxaana ay qaateen casaan tiro ahaan ka badan goolasha ay dhaliyeen (labo casaan iyo hal gool).

Leicester City

Leicester City ayaa guul gaartay saddex ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeysay horyaalka, waxayna guuldarro la kulantay kaliya hal kulan oo ka mid ah 12-kii ciyaar ee ugu dambeysay horyaalka.

Iney heysato 15 guul, afar barbarro iyo lix guuldarro waxay kala simman tahay heerkan oo kale markii ay joogtay xilli ciyaareedkii hore.

Shan ka mid ah lixda guuldarro ee xilli ciyaareedkan Leicester City kasoo gaartay horyaalka waxaa lagu garaacay garoonkeeda King Power Stadium.

Kooxda uu hoggaamiyo Brendan Rodgers ayaa guul gaartay 12 ka mid ah 13 kulan oo ay dhalisay goolka furitaanka ciyaarta xilli ciyaareedkan 2020-21.

Jamie Vardy ayaa dhaliyay 11 gool kaddib 12 kulan oo uu Arsenal ku wajahay horyaalka Premier League.

Arsenal

Arsenal ayaa la garaacay saddex ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeysay horyaalka Premier League.

Gunners ayaa gool dhalin weysay 10 kulan oo horyaalka Ingiriiska ka tirsan xilli ciyaareedkan, waxaana ay dhacday inay kulammo intaas ka badan gool dhalin weyso xilli ciyaareedkii 2005-06 inta la ciyaarayo 38 kulan fasalkiiba.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa dhaliyay 38 gool kaddib 50 kulan oo uu Premier League ciyaaray maalin Axad ah, waxayna wada ahaan ka badan yihiin goolasha uu dhaliyay isku darka maalmaha kale isagoo 56 kulan ku dhaliyay 24 gool.

Aubameyang ayaa kaliya hal ka mid ah 18-kiisii gool ee ugu dambeeyay Premier League kusoo dhaliyay meel ka baxsan magaalada London, waxaana uu ahaa rigoore oo uu Manchester United kaga soo dhaliyay garoonka Old Trafford.

Bukayo Saka oo 19 jir ah ayaa noqon kara ciyaaryhanka labaad ee ugu da’da yar kaasoo 50 kulan oo Premier League ah u safta Arsenal, waxaana kaga dhaqsiyo badnaa kaliya Cesc Farbregas.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close