Horudhac: Chelsea vs Manchester United… (Xiddigaha maqan, xaqiiqooyinka u gaarka ah kulankan iyo wax walba oo aad uga baahan tahay ciyaarta ugu weyn toddobaadkan EPL-ka)

(London) 28 Feb 2021. Garoonka ku yaalla galbeedka London ee Stamford Bridge ayaa caawa marti gelinaya kulanka uga xiisaha badan horyaalka Ingiriiska toddobaadkan marka ay caawa foodda is daraan kooxaha Chelsea iyo Manchester United.

Blues ayaa qaab ciyaareed wanaagsan ku jirta tan iyo markii uu xukunkeeda la wareegay Tababare Thomas Tuchel, halka Man United ay la tacaaleyso dhibaatooyin dhaawacyo ah.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 7:30 Fiidnimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Stamford Bridge

Garsooraha: Stuart Attwell (England)

Wararka kooxaha:-

Chelsea macallinkeeda Thomas Tuchel ayaa xaqiijiyay inaysan wax dhaawacyo cusub ah kooxdiisa wajaheyn.

Xiddiga kaliya ee kulankan ka maqan Blues waa difaaca reer Brazil ee Thiago Silva.

Manchester United ayaa wajaheysa tiro yari dhanka xiddigaha khadka dhexe ah maadaama Scott McTominay, Donny van de Beek iyo Daniel James dhammaantood shaki laga gelinayo safashada ciyaartan, halka Paul Pogba iyo Juan Mata ay si rasmi ah u seegayaan ciyaartan.

Dhaawaca anqowga ah ee Edinson Cavani ayaa lagu sameyn doonaa qiimeyn gaar ah ka hor kulankan.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Fool Ka Fool

Chelsea ayaa guuleysatay kaliya labo jeer 10-kii kulan ee ugu dambeysay oo ay dhammaan tartammada wada ciyaaraan labadan koox, waxayna guuldarro la kulantay shan jeer, halka saddex barbarro ay wada galeen.

Manchester United ayaa guul gaartay saddexdii kulan ee ugu dambeysay tartammada oo dhan oo ay booqatay Stamford Bridge, hore ma aysan u dhicin in afar guul oo xiriir ah ay Blues kusoo garaacdo garoonkeeda.

Chelsea ayaa ku fashilantay inay gool ka dhaliso Red Devils saddexdii kulan ee ugu dambeysay horyaalka, inkastoo ay isku dayday 41 darbo inay gool ku dhaliso.

Chelsea

Chelsea waa guuldarro la’aan sagaal kulan oo xiriir ah haatan dhammaan tartammada, waxaana siddeed ka mid ah sagaalkaas majaraha kooxda u haya Macallin Thomas Tuchel.

Blues ayaanan dhalin wax ka badan labo gool mid kasta oo ka mid ah lixdii kulan ee uu leylinayay Thomas Tuchel horyaalka, halka ay saddex gool ama wax ka badan dhalisay Chelsea siddeed ka mid ah 19-kii ciyaarood ee ay ka hoos ciyaareysay Frank Lampard.

Chelsea ayaa uruursatay 17 dhibcood siddeedii kulan ee ugu dambeysay horyaalka, waxaana kooxda saddexaad ee dhibcaha ugu badan uruursatay muddadaas.

Chelsea ayaa guuleysatay kaliya hal kulan lixdii jeer ee ugu dambeysay oo ay ka hor tagtay kooxaha toddobada kaalin ee ugu sarreysa kaga jira horyaalka iyagoo barbarro la galay hal jeer, afarta kalena waa la garaacay.

Kaliya Manchester City ayaa laga dhaliyay goolal ka yar inta laga dhaliyay Chelsea oo shabaqeeda la taabsiiyay 25 gool.

Afar jeer oo uu hore Thomas Tuchel kaga hor tagay Ole Gunnar Solskjaer waxaa mar walba guul gaarayay midka ay kooxdiisa martida tahay.

Manchester United

Kaliya hal guuldarro ayaa soo gaartay Manchester United 19-kii kulan ee ugu dambeysay horyaalka, waxayna guul gaartay 12 kulan, halka lix barbarro ay gashay.

Man United ayaa guuldarro la’aan ah 19 kulan oo xiriir ah oo ay bannaanka kusoo ciyaartay horyaalka, iyagoo diiwaanka ku qortay 13 guul iyo lix barbarro, waxayna rikoorkaas soo billawday ciyaartii bishan oo kale sanadkii hore ka dhacday Stamford Bridge xilligaas oo ay 2-0 guul kusoo qaadatay.

Dhibcaha 49-ka ah ee ay hadda heysato Red Devils waxay 14 dhibcood ka badan yihiin dhibcihii ay heysatay xilli ciyaareedkii hore heerkan oo kale.

Manchester United waa guuldarro la’aan toddobadii kulan ee ugu dambeysay horyaalka oo ay la ciyaartay toddobada koox ee ugu sarreeya jadwalka kala sarreynta horyaalka iyadoo guuleysatay labo kulan, shan jeerna barbarro heshay.

Marcus Rashford ayaa ka qayb qaatay toddobo gool kulammadii uu ka hor tagay Chelsea dhammaan tartammada, waxaana uu dhaliyay shan gool isagoo caawiyay labo kale.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa guul gaaray dhammaan saddexdii kulan ee uu booqday Stamford Bridge tartammada oo dhan isagoo tababare ah.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close