Arsenal oo guul ay u qalantay kaga soo gaartay Leicester City garoonka King Power… +SAWIRRO

(England) 28 Feb 2021. Arsenal ayaa guul ay u qalantay kaga soo gaartay Leicester City garoonka King Power, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-3, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Arsenal.

Daqiiqadii 7-aad kooxda Leicester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay xiddigooda Youri Tielemans.

Laakiin 40 daqiiqo marka ay dheesha mareysay naadiga Arsenal ayaa dhalisay goolka barbardhaca kaddib markii uu 1-1 ka dhigay David Luiz, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Willian.

Daqiiqadii 45-aad Gunners ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay weeraryahankooda Alexandre Lacazette, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 1-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Arsenal.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

52 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda kubadda cagta ee Arsenal ayaa sii dheereysatay hoggaanka dheesha waxaana 1-3 ka dhigay laacibkooda Nicolas Pepe.

Ugu dambentii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1-3 ay kaga soo adkaatay Arsenal kooxda Leicester City oo ay ku booqatay garoonka King Power, Gunners ayaa hadda fadhisa booska 9-aad ee kala sareynta horyaalka Premier League, kaddib markii ay uruursadeen 37 dhibcood.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close