Xiddig ka tirsan Arsenal oo kala heshiiyay Mikel Arteta inuu baxo dhamaadka xilli ciyaareedka

(London) 27 Feb 2021. Waxa ay u muuqataa in mustaqbalka mid ka mid ah daafacyada ugu muhiimsan kooxda kubadda cagta Arsenal, uu soo dhamaaday laga bilaabo xilli ciyaareedka soo socda.

Warbixin cusub ayaa xaqiijisay in daafaca reer Spain iyo kooxda kubadda cagta Arsenal ee Héctor Bellerín uu kala heshiiyay tababarihiisa Mikel Arteta inuu ka tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedka.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, magaca Héctor Bellerín ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Paris Saint-Germain, halka shabakada “ESPN” ay shaaca ka qaaday in ciyaaryahanka uu durbaba heshiis la gaaray Arteta, iyadoo xilli ciyaareedkaan uu yahay kiisii ugu dambeeyay ee garoonka Emirates.

UK Tabloid Claims Inter, Juventus & Sevilla All Keen On Arsenal's Hector  Bellerin

Héctor Bellerín ayaa awooday inuu dib u helo booskiisii ​​koowaad ee kooxda Gunners xilli ciyaareedkan, kaddib markii uu dhaawac jilibka ah soo gaaray sanadkii hore, laakiin wuxuu doonayaa inuu tijaabiyo loolan kale cusub ee ka baxsan England, maadaama uu ku sugnaa tan iyo sanadkii 2011 isagoo ka yimid Barcelona.

Kooxda reer France ayaa sii wada xiisaha ay u qabto inay la saxiixato Héctor Bellerín, oo wali heshiiska uu kula jiro Arsenal uu kaga harsan yahay laba sano kale, halka Gunners ay u muuqato inay diyaar u tahay inay iska iibiso haddii ay ku helayaan dalab ku habboon.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close