Barcelona oo saddexda dhibcood ka soo heshay kooxda Sevilla oo ay booqatay… +SAWIRRO

(Sevilla) 27 Feb 2021. Barcelona ayaa saddexda dhibcood ka soo heshay kooxda Sevilla oo ay ku booqatay Estadio R. Sanchez Pizjuan, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-2, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Barcelona.

Daqiiqadii 29-aad kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 xiddigooda Ousmane Dembele, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Lionel Messi.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

86 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Lionel Messi ayaa ka dhigay 0-2 oo ay ku hoggaamineysay kooxda kubadda cagta Barcelona.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 0-2 ay Barcelona kaga soo adkaatay kooxda Sevilla oo ay ku booqatay Estadio R. Sanchez Pizjuan, Blaugrana ayaa haatan kala baxday booska labaad naadiga Real Madrid kaddib markii ay uruursatay 53 dhibcood.

SAWIRRO:

Image

 

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close