Ronald Koeman oo si RASMI ah u shaaciyey liiska xiddigaha kooxdiisa Barcelona uga qeyb galaya kulanka adag ee Sevilla

(Barcelona) 26 Feb 2021. Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Ronald Koeman ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxdiisa uga qeyb galaya kulanka Sevilla ee horyaalka La Liga dalka Spain.

Barcelona ayaa ku booqan doonta kooxda kubadda cagta Sevilla garoonkeeda Ramon Sanchez-Pizjuan, waxaana liiska uu ku dhawaaqay macallin Ronald Koeman hoggaanka u haya kabtanka kooxda ee Lionel Messi.

Ansu Fati, Sergi Roberto iyo Ronald Araújo ayaa wali sii maqan sababo la xiriira dhaawacyo kala duwan ay qabaan. laakiin tababare Ronald Koeman ayaa heli kara dhamaan adeegyada ciyaartoydiisa kale.

Haddba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha Barcelona ee uu ku dhawaaqay tababare Ronald Koeman kuwaasoo ka qeyb galaya kulanka ay kula ciyaarayaan kooxda Sevilla horyaalka La Liga:

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close