Ronald Koeman oo ka hadlay guushii ay Barcelona ka gaartay kooxda Elche

(Barcelona) 25 Feb 2021. Wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa shaaca ka qaaday falcelinta tababaraha reer Holland ee Ronald Koeman kaddib guushii ay Barcelona ka gaartay kooxda Elche

Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou guul kaga gaartay kooxda Elche, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-0, ciyaar ka tirsaneyd kulammada horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Ronald Koeman ayaa ciyaarta kaddib u sheegay warbaahinta:

“Diirad saarideena kulanka ayaa aheyd mid aad u sareysay.”

“Waxaan badalay dhowr ciyaartooy sababtoo ah aad ayaan ugu dhibtooneynaa jadwalka kulamada, waxaan ciyaarnay kulammada qaar saddexdii maalmoodba mar, daalkana si cad ayuu inoo taabtay.”

“Guud ahaan, waxaad mar walba wax ku go’aamin kartaa garoonkaaga, laakiin dhibcihii aan luminay bilawga xilli ciyaareedka ayaa qasaaro badan inoo geystay.”

“Qeybta labaad ee ciyaarta aad ayaan u soo fiicnaanay, isku dayada Messi iyo baasaska uu ka sameynayo meel qoto dheer waa wax cajiib ah.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close