Man United oo iska xaadirisay wareega 16-ka ee tartanka Europa League kaddib markii ay ka gudubtay Real Sociedad… +SAWIRRO

(Manchester) 26 Feb 2021. Manchester United ayaa u soo baxday wareega 16-ka ee tartanka UEFA Europa League kaddib markii ay kulankii lugta labaad wareega 32-da ee tartankan ay ku kala baxeen barbardhac 0-0 ah kooxda Real Sociedad, xilli kulankii lugta hore uu ku soo idlaatay 0-4 ay ku soo adkaatay Red Devils.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Manchester United iyo Real Sociedad ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Laakiin ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barbardhac 0-0 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Manchester United iyo Real Sociedad, laakiin Red Devils ayaa u soo baxday wareega 16-ka ee tartanka UEFA Europa maadaama kulankii lugta hore ay ku soo adkaatay 0-4.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close