Manchester City  oo guul ka gaartay Borussia Mönchengladbach kulanka lugta hore wareega 16-ka ee Champions League… +SAWIRRO

(Budapest) 25 Feb 2021. Manchester City ayaa guul ka gaartay kooxda Borussia Mönchengladbach kulanka lugta hore wareega 16-ka ee Champions League, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-2, xilli ciyaartan ay ka dhacday garoon dhex-dhexaad ah oo ku yaalla magaalada Budapest ee ah caasimadda dalka Hungary.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City.

Daqiiqadii 29-aad kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay Bernardo Silva, kaddib markii uu caawin ka helay Joao Cancelo.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

65 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Manchester City ayaa dhalisay gool labaad, kaddib markii uu u dheesha ka dhigay 0-2 Gabriel Jesus oo caawin ka helay Bernardo Silva.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 0-2 oo ay Man City kaga adkaatay kooxda Borussia Mönchengladbach, kulan ka tirsanaa lugta koowaad ee wareegga 16-ka tartanka UEFA Champions League, xilli ciyaartan ay ka dhacday garoon dhex-dhexaad ah oo ku yaalla magaalada Budapest ee ah caasimadda dalka Hungary.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close