Barcelona oo garoonkeeda Camp Nou guul kaga gaartay kooxda Elche… +SAWIRRO

(Barcelona) 24 Feb 2021. Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou guul kaga gaartay kooxda Elche, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-0, ciyaar ka tirsaneyd kulammada horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood  Barcelona iyo Elche ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 48-aad Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay kabtanka kooxda ee Lionel Messi, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Martin Braithwaite.

69 daqiiqo Lionel Messi oo caawin ka helay markaan saaxiibkiis Frenkie de Jong ayaa dheesha ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona.

Laakiin daqiiqadii 73-aad kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa dheereysatay hoggaanka ciyaarta kaddib markii uu 3-0 ka dhigay Jordi Alba oo caawin ka helay Martin Braithwaite.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-0 ay kaga adkaatay Barcelona kooxda Elche oo marti ugu aheyd garoonka Camp Nou, Barca ayaa wali fadhisa booska 3-aad ee kala sareynta horyaalka La Liga, iyagoo leh 50 dhibcood, waxayna laba dhibcood ka dambeeyaan kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Real Madrid.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close