“Waxaan dareemayaa niyadjab xitaa in ka badan kulankii Paris Saint-Germain.” – Ronald Koeman

(Barcelona) 22 Feb 2021. Tababaraha reer Holland iyo kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa muujiyay niyadjabkiisa ku aadan barbardhicii ay naadiga Cadiz, kulankii shalay ee horyaalka La Liga.

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa barbaro 1-1 la dhaafi weysay naadiga Cadiz oo ay ku soo dhoweysay garoonkeeda Camp Nou, kulan qeyb ka ah horyaalka La Ligaha Spain, kulan labo rigoore la iska dhaliyey.

Ronald Koeman oo ka soo muuqday shir jaraa’id kaddib ciyaarta ayaa wuxuu yiri:

“Aad ayaan uga niyadjabnay, waxaan u baahneyn inaan guul gaarno, waxaan luminay maanta fursad weyn kaddib markii guuldarreysatay Atlético Madrid.”

“Dhibaatadu marwalba waa isku mid, ma dili karno ciyaarta kahor dhammaadkeeda, waxaa nala siiyay laba ama saddex fursadood oo aan natiijada ku xoojin karno, laakiin kama faa’ideysanin, haddii aan awoodi weynay inaan ciyaarta dilno, markaa khaladaad waa inaan lagu dhex samayn gudaha xerada ganaaxa sidaan oo kale.”

“Ma walwalsaneyn, laakiin marka aad hal gool oo kaliya ku hoggaamineyso ciyaarta, natiijada way isbadali kartaa isla markiiba, laakiin guud ahaan, waxaan luminay laba dhibcood oo aan laga fursan Karin, tani waa sababta aan u niyadjabsanahay.”

“Ma jecli arintan inaan ku eedeeyo ciyaartooyda xirfada leh, dhanka weerarka ma bixinin heerkii looga baahnaa, waxaan abuurnay fursado halkii aan ka dhalin lahayn goolka labaad, waxaa nalaga dhaliyay gool dhimasho ah.”

“Waxaan dareemayaa niyadjab xitaa in ka badan kulankii Paris Saint-Germain, maadaama uu ahaa kulan aynaan dhibaatooyin badan la kulmin, Kooxdaan waxay ahayd inay ku guuleysato tayada ciyaartoydeeda awgood, mana soo bandhigin wax qabadkii noolaga baahnaa.”

“Weli waxaan aaminsanahay inaan wax qaban karno, ma jirto koox si fudud ku guuleysata, laakiin suurtagal ma noqoneyso inaad lumiso fursadaha noocan oo kale ah.”

“Uma arko wax dhib ah inaan u dagaallano hanashada horyaalka La Liga, maadaama farqiga dhibcaha uu kasoo yaraaday sidii hore. Ma jirto koox aan laga badin karin, waxaana wali jira xulashooyin, laakiin waxaan luminay laba dhibcood oo muhiim ah.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close