Tababare Zidane oo si RASMI ah u shaaciyey liiska 19-ka ciyaaryahan ee Real Madrid uu kala qeyb galayo kulanka Atalanta

(Madrid) 22 Feb 2021. Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa shaaciyay liiska 19-ka ciyaartoy ee uu ku shaqayn doono kulanka lugta hore wareega 16-ka ee tartanka UEFA Champions League.

Zinedine Zidane liiska uu magacaabay xiddigihiisa Real Madrid uu ula safrayo kulanka ay booqan doonaan kooxda Atalanta waxaa dhanka weerarka ka hoggaaminaya xiddigaha Marco Asensio iyo Vinícius Júnior.

Laakiin taasi badelkeeda waxaa Liiskan uu ku dhawaaqay tababare Zidane ka maqan xiddigaha kala ah Karim Benzema, Dani Carvajal, Marcelo, Sergio Ramos, Rodrygo, Federico Valverde, Eden Hazard, iyo Éder Militão.

Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha kooxda Real Madrid ay kala qeyb galayso kulanka Atalanta lugta hore wareega 16-ka ee tartanka UEFA Champions League:-

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close