Maxaa ka cusub wararka Sergio Ramos la xiriirinaya inuu ka tagayo kooxda Real Madrid?

(Madrid) 22 Feb 2021. Real Madrid ayaan wali wax heshiis ah la gaarin kabtanka kooxdeeda ee Sergio Ramos, si loo cusbooneysiiyo qandaraaskiisa, kaasoo dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Ramos wuxuu doonayaa inuu helo isla mushaharka uu hadda ka qaato kooxda ee gaarsiisan 12 million euros heshiiska cusub, laakiin kooxda boqortooyada ayaa codstay in la dhimo 10%,.

Sida laga soo xigtay wariyaha ka howlgala raadiyaha “Cadena SER” ee Julio Pulido, Sergio Ramos ayaan ku fikireynin inuu heshiis la galo koox kale ee cusub.

Julio Pulido oo ka hadlayay Sergio Ramos ayaa wuxuu yiri:

“Ramos aad ayeey u cadahay inuu doonayo inuu sii joogo Real Madrid, waxaana u maleynayaa haddii ay tahay inuu dadaal sameeyo, inuu sameyn doono ugu dambeyntii.”

”Kabtanka Real Madrid wuxuu sii wadaa isla ujeedkaas, kaas oo had iyo jeer ku jiray madaxiisa, si uu u sii joogo kooxda.” Ayuu yiri Julio Pulido.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close