Arteta oo sharaxaad ka bixiyay sababta ay Arsenal guuldarro uga soo gaartay kooxda Manchester City

(London) 22 Feb 2021. Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta, ayaa ammaanay waxqabadka kooxda ay la ciyaareen ee Manchester City intii ay socotay ciyaartii ay ku wada ciyaareen garoonka Emirates.

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa guul ay u dagaallantay ka soo qaadatay Arsenal oo ay ku booqatay garoonkeeda Emirates, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, ciyaar qeyb ka ahayd kulamada toddobadkan ee horyaalka Premier League.

Haddaba shabakada “Football London” ayaa shaacisay wareysi uu bixiyay Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Iyagu waa koox weyn, waxaan u maleynayaa inaan sifiican u sameynay, laakiin aniga ahaan taasi waxba kama dhigna, sababtoo ah waxaan u diyaar garownay guul, waana kaxumahay in aanaan waxba ka helin kulanka.”

“Goolka ay dhaliyeen xilli hore ayaa dhigtay meesha ay doonayeen inay noqdaan, kaddib waxaan soo bandhignay wax qabad fiican, waxaana abuurnay fursado fiican.”

Si kastaba ha noqotee, Manchester City ayaa sii dheereysatay hoggaaminta miiska kala sareynta horyaalka kaddib guushan ay ka gaartay Arsenal, iyadoo leh 59 dhibcood, halka Gunners oo ku jirta booska 10-aad ay leedahay 34 dhibcood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close