Horudhac: Barcelona vs Cadiz… (Barca oo indhaha ku haysa inay galabta gaarto goosheedii siddeedaad oo xiriir ah horyaalka La Liga)

(Barcelona) 21 Feb 2021. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa indhaha ku haysa inay gaarto guusheedii siddeedaad oo xiriir ah horyaalka La Liga, marka ay Camp Nou ku soo dhoweynayaan galabta naadiga Cadiz.

Kooxda tababare Ronald Koeman ayaa haatan ku jirta kaalinta saddexaad ee kala sarreynta horyaalka La Liga, waxaana ay sagaal dhibcood ka dambeeyaan hoggaamiyeyaasha horyaalka ee Atletico Madrid.

Naadiga Cadiz oo dhibco badan lumisay ayaa ku jirta kaalinta 15-aad kaddib markii ay la kulantay afar guuldarro oo xiriir ah.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 4:00 Galabnimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Camp Nou

Garsooraha: Juan Martinez (Spain)

Wararka kooxaha:-

Gerard Pique ayaa dib u soo laabtay oo diyaar u ah kulankan kaddib markii uu dhaawac ka soo laabtay dhammaadkii isbuucii hore kulankii ay wajaheen PSG ee Champions League.

Daafaca qibradda leh ayaa laga yaabaa inuu ku soo bilowdo daafaca dhexe markale Clement Lenglet, iyadoo Ronald Araujo uu weli ka soo kabsanayo dhaawac canqowga ah.

Ousmane Dembele iyo Trincao ayaa la filayaa inay ka taageeraan Lionel Messi weerarka kooxda martida loo yahay ee Barcelona.

Marcos Mauro ayaa dib u soo laabtay kaddib ganaax uu kaga maqnaa Cadiz, waxaana uu bedeli doona booska daafaca dhexe ee uu ka garaaxan yahay Juan Cala.

Jens Jonsson weli shaki ayaa ku jira kaddib dhaawac yar oo muruqa ah, laakiin waxaa laga yaabaa inuu ku soo bilowdo khadka dhexe isagoo ka garab ciyaari doona Fali.

Anthony Lozano ayaa la filayaa inuu ka doorbido Ruben Sobrino dhanka weerarka kooxda martida ah.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Cadiz ayaa laga dhaliyey ugu yaraan afar gool saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka La Liga.

>- Barcelona ayaa guuleysatay todobadeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka La Liga.

>- Kooxda Barcelona ayaa guuleysatay qeybta hore iyo ciyaarta oo dhammaystiran lix ka mid ah todobadeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka La Liga.

>- Barcelona ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool lixdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka La Liga.

>- Kooxda Cadiz ayaa guuldarro la kulantay afarteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay dheeshay horyaalka La Liga.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close